Sunday, July 26, 2026

DF oo Kheyre ku eedeesay in uu soo abaabulay weerar lagu qaaday xarun ciidan oo ku taala degmada Howlwadaag

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay in dowladdu ay ka digeyso falalka amniga lagu dhaawacayo, iyada bayaanka lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Kheyre.

Dhanka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.’

Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

“Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday’ oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan”, lama hubo in uu dhici doono dibad-baxa ay ku baaqeyn mucaaradka.

WARARKII KALE

Puntland oo digniin u dirtay DFS iyo Galmudug

Maamulka Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga hadashay...

Xildhibaanada BF oo dood ka galay xiisadda-siyaasadeed ee Mudug

Dood adag ayaa ka dhalatay kooxda WhatsApp-ka ee ay...

DF oo baaq deg deg ah ka soo saartay dagaal beeleedka ka Socda Gobolka Sanaag

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo...

Trump oo Hakiyay Weerar Ballaaran oo lagu qaadi lahaa Iiraan

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa’iil, KAN News, ayaa sheegtay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles