Dagaalkii ugu cuslaa oo ka socda Muqdisho

Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay dagaallo culus oo habeenkii oo dhan ka socday guryaha ay degan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheikh Ahmed, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre.

Wararka laga helayo goobaha colaadda ayaa sheegaya in weerarka ugu xooggan uu hadda ka socdo agagaarka guriga Xasan Cali Kheyre ee degmada Howlwadaag, halkaas oo dagaal culus iyo rasaas joogto ah laga soo sheegayo.

Dhanka kale, agagaarka guriga Sheekh Shariif ee degmada Cabdicasiis ayaa la sheegayaa in ay ka socoto rasaas goos-goos ah, kaddib saacado badan oo iska horimaadyo xooggan ay ka jireen halkaasi.

Ilo ku sugan goobaha dhacdooyinka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada taageersan Sheekh Shariif ay isku fidiyeen waddooyinka iyo aagagga muhiimka ah ee ku dhow xaruntiisa, arrintaas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay jihada iyo culayska weerarrada socda.

Dagaalladan ayaa la soo sheegayaa inay socdaan ku dhawaad 15 saacadood, iyadoo weli aan la helin war rasmi ah oo caddeynaya khasaaraha guud iyo halka ay xaaladdu ku dambeyn karto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles