DF oo Kheyre ku eedeesay in uu soo abaabulay weerar lagu qaaday xarun ciidan oo ku taala degmada Howlwadaag

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay in dowladdu ay ka digeyso falalka amniga lagu dhaawacayo, iyada bayaanka lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta ka dhacday degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo wejiyada soo duubtay, Kuwaasoo uu soo abaabulay Xasan Cali Kheyre.

Dhanka Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayrre ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xilli uu la shirayay hoggaanka dhaqanka.

“Waxaa annaga oo shir kula jirna ugaaska beesha Murusade iyo odayaasha dhaqanka weerar nagu soo qaaday taliska uu hoggaamiyo ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.’

Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto intii ku dhimatay, una boogadhayo intii ku dhaawacantay.

“Khasaaro kasta oo ka dhasha falkan waxaa masuuliyaddiisa qaadaya ‘Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday’ oo na soo weeraray annaga oo diyaargarow ugu jirna bannaanbaxa nabadeed ee berri noo madlan”, lama hubo in uu dhici doono dibad-baxa ay ku baaqeyn mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles