Booliska Soomaaliya oo shaaciyay howlgal wejigiisa seddexaad ee Hub ka dhigista

Taliyaha Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga caasimadda ay bilaabeen howlgal cusub oo uu ku tilmaamay “qeybtii saddexaad” ee howlgalada socda.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri:

“Hay’adaha amniga Caasimadda waxa ay bilaabeen howlgalka qeybtii saddexaad, Insha-Allah waxa uu ku soo dhammaan doono guul buuxda.”

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay caawa u dhaqaaqeen degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay bartilmaameed ka dhiganayaan xubno iyo ciidamo lagu tuhunsan yahay inay taageero u hayaan mucaaradka dowladda.

Howlgalladan iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles