Booliska Soomaaliya oo shaaciyay howlgal wejigiisa seddexaad ee Hub ka dhigista

Taliyaha Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in hay’adaha amniga caasimadda ay bilaabeen howlgal cusub oo uu ku tilmaamay “qeybtii saddexaad” ee howlgalada socda.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ayuu ku yiri:

“Hay’adaha amniga Caasimadda waxa ay bilaabeen howlgalka qeybtii saddexaad, Insha-Allah waxa uu ku soo dhammaan doono guul buuxda.”

Hadalka taliyaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan wararka sheegaya in ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay caawa u dhaqaaqeen degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay bartilmaameed ka dhiganayaan xubno iyo ciidamo lagu tuhunsan yahay inay taageero u hayaan mucaaradka dowladda.

Howlgalladan iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Muqdisho ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo u dhexeysa dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles