Uganda oo sheegtay in ciidamadeeda aysan faragelin doonin siyaasadda gudaha Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ciidamadeeda ku sugan Somalia aysan wax lug ah ku yeelan doonin arrimaha siyaasadda gudaha dalka, iyagoo ku adkeystay in waajibaadkoodu ku kooban yahay howlaha amniga ee hoos yimaada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Afhayeenka ku-meel-gaarka ah ee warfaafinta Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Chris Magezi, ayaa sheegay in ciidamada Uganda aysan qeyb ka noqon doonin murannada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

“Waa ka baxsan tahay waajibaadka UPDF ee Soomaaliya in ay ku lug yeeshaan arrimaha gudaha dalka,” ayuu Magezi u sheegay wargeyska New Vision.

Waxa uu xusay in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan howlaha la xiriira la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo Daacish, ilaalinta shacabka, iyo taageeridda dhismaha awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo isku beddelay iska hor imaadyo ka dhacay magaalooyinka Mogadishu iyo Baidoa, kuwaas oo la xiriira khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya sanadkii 2007, iyadoo ciidamadeedu ay weli door weyn ka ciyaaraan sugidda amniga Muqdisho iyo deegaanno kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles