Uganda oo sheegtay in ciidamadeeda aysan faragelin doonin siyaasadda gudaha Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ciidamadeeda ku sugan Somalia aysan wax lug ah ku yeelan doonin arrimaha siyaasadda gudaha dalka, iyagoo ku adkeystay in waajibaadkoodu ku kooban yahay howlaha amniga ee hoos yimaada Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Afhayeenka ku-meel-gaarka ah ee warfaafinta Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Chris Magezi, ayaa sheegay in ciidamada Uganda aysan qeyb ka noqon doonin murannada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.

“Waa ka baxsan tahay waajibaadka UPDF ee Soomaaliya in ay ku lug yeeshaan arrimaha gudaha dalka,” ayuu Magezi u sheegay wargeyska New Vision.

Waxa uu xusay in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan howlaha la xiriira la dagaallanka kooxda Al-Shabaab iyo Daacish, ilaalinta shacabka, iyo taageeridda dhismaha awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo isku beddelay iska hor imaadyo ka dhacay magaalooyinka Mogadishu iyo Baidoa, kuwaas oo la xiriira khilaaf u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya sanadkii 2007, iyadoo ciidamadeedu ay weli door weyn ka ciyaaraan sugidda amniga Muqdisho iyo deegaanno kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles