Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo afjaray dagaalka hadda socda ee ay kula jiraan Israel.

Balse waxay ka digeen hadii Israel ay sii wado weerarada, “koonfurta Lubnaan”, in Iran ay ka bixineyso “jawaab ka adag tii hore”.

Aynu eegno wararkii ugu dambeeyay

Israel iyo Iran ayaa xalay ilaa iyo saakay is-weydaaranayay weeraro kaddib markii Iran ay ku dhawaaqday in ay ka jawaabeyso duqeymaha Israel ee Beirut.

Xisbullah waxay sheegtay saakay in ay gantaalo ku weerartay kolonyo askar Israel ah koonfurta Lubnaan halkaas oo ciidamada IDF ay ka fulinayeen howlgal dhulka ah.

Ilaalada Kacaanka Iran (IRG) waxay sheegeen in ay gantaallo ku weerareen warshad ku taal waqooyiga Israel kaddib markii militeriga Israel ay beegsadeen dhowr goobood oo Iran ku yaal.

IDF waxay sidoo kale sheegeen in ay soo afjareen weeraro ay ku qaadeen nidaamyada difaaca Iran halka IRGC ay sheegeen in ay duqeeyeen labo saldhig oo ciidamada cirka Israel leeyihiin.

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran afhayeenkooda waxa uu sheegay in Mareykanku mas’uul ka yahay gardarada Israel ka imaaneyso, uuna qaadayo mas’uuiyadda xiisadda.

Madaxweyne Trump ayaa hore u sheegay in Iran iyo Israel eegayaan sidii ay dagaalka ku joojin lahaayeen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles