Wednesday, June 17, 2026

Garsoore Cumar Cartan oo laga reebay Koobka Adduunka 2026 iyo gelitaanka Mareykanka

Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijiyay in garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan uusan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka 2026, kadib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka.

Cumar Cartan, oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa kamid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee sanadkan lagu qabanayo dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Sida wararku sheegayaan, garsooraha ayaa laga celiyay garoonka magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, halkaas oo ciidamada Hay’adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) ay baaritaanno dheeraad ah ku sameeyeen, ugu dambeyntiina ay ku wargeliyeen inuusan dalka geli karin.

Sarkaal ka tirsan CBP oo la hadlay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay “inuusan u qalmin gelitaanka Mareykanka” kadib baaritaan amni, hase yeeshee ma uusan shaacin sababta rasmiga ah ee go’aankaasi.

FIFA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaysan awood sharci ah ku lahayn arrimaha fiisaha iyo socdaalka, iyadoo xustay in dowladaha martigelinaya tartamada ay iyagu go’aamiyaan cidda loo oggolaanayo gelitaanka dalalkooda.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka uu saameeyay adkeynta siyaasadaha socdaalka ee maamulka Madaxweyne Donald Trump, taas oo sababtay in muwaadiniinta qaar lagu sameeyo baaritaanno dheeraad ah marka ay galayaan Mareykanka.

Dhanka kale, Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay FIFA si loo helo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta loo celiyay garsooraha Soomaaliyeed, halka mas’uuliyiin Soomaali ah ay sheegeen in Cumar Cartan watay dukumiintiyo sax ah iyo baasaboor diblomaasiyadeed oo loogu talagalay fududeynta safarkiisa.

Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday garsoore FIFA ah sanadkii 2018, wuxuuna hore uga qeyb qaatay tartamo waaweyn oo qaaradda Afrika ah, oo ay ku jiraan ciyaaraha Koobka Qaramada Afrika ee AFCON.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa u arkayay ka qeybgalka Koobka Adduunka guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya iyo guud ahaan garsoorka Afrika, balse dhacdadan ayaa dhalisay niyad jab iyo dood ku saabsan caqabadaha ay wajahayaan muwaadiniinta kasoo jeeda dalalka qaar.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Hirshabelle oo daahfuray qorshaha horumarinta labaad ee dowlada Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Siddeed qof oo ku dhimatay diyaraad ku burburtay Maraykanka

Siddeed qof oo ay ku jiraan laba ka mid...

DFS oo war ka soo saartay safarka Ciro ee Israa’iil iyo Safaarada Qudus

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay...

Falastiin oo si kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus laga Furay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa si adag u...

Xiisadda ka taagan Doorashada Galmudug oo sii xoogeysayay

Waxaa markale cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles