Saturday, July 25, 2026

DFS oo la hadashay caqabadihii sababay in Cumar Cartan ka baaqdo Koobka Adduunka

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku muujisay sida ay uga xun tahay duruufihii sababay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta adduunka ee ka socda dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan loo diiday gelitaanka dalka Mareykanka, Wasaaradda oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay sameeyeen dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo ballaaran oo lala yeeshay dowladda Mareykanka iyo xiriirka FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda ayaa sheegtay in inkastoo dadaallo xooggan la sameeyay aysan suuragelin in xal laga gaaro xaaladda garsooraha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa ku tilmaantay Cumar Cartan inuu yahay tusaale muujinaya kartida, dadaalka iyo adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo xustay in guulihiisa caalamiga ahi sharaf weyn u yihiin magaca Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa caddeysay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Garsoore Cumar Cartan, gaar ahaan dhinacyada horumarinta xirfaddiisa iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed, bahda ciyaaraha iyo dhammaan dadkii muujiyay taageerada iyo garab istaagga ay la garab taagnaayeen Garsoore Cumar Cartan intii ay socotay arrintan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

10 qof oo ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday bandhig diyaaradeed meel ku dhow Kyiv

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar Ruushka...

Trump oo canshuuro cusub ku soo rogay 60 dal

Maraykanka ayaa canshuuro cusub ku soo rogay 60 dal...

Madaxa AUSSOM iyo Ku Simaha Safiirka Mareykanka oo wadahadlay Amniga iyo Mustaqbalka Hawlgalka

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna...

Midowga Afrika oo fariin adag u dirtay DF iyo shir looga hadlayo Mustaqbalka AUSSOM

Magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, ahna xarunta Midowga...

Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Gelitaanka Wasiir Israa’iili ah Masaajidka Al-Aqsa

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles