Shir looga hadlay adkeynta ammaanka oo lagu qabtay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu qabtay shir looga hadlay xoojinta ammaanka iyo dardargelinta howlgalada lagu sugayo nabadgelyada deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka Amniga ayaa waxaa guddoominayay Wasiirka Amniga Dowladda Koofur Galbeed, Maxamed Xuseen Joon, waxaana wehlinayay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socotay Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Booliiska, Ciidanka Birmadka, Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, maamulka Gobolka Baay iyo maamulka degmada Baydhabo.

Intii uu socday shirka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga guud ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka, iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha amniga qalqal geliya.

Mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ka qeyb gashay kulanka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay isku dubbaridka howlaha amniga iyo sare u qaadidda feejignaanta ciidamada, si looga hortago falalka lidka ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli dowlad goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga guud ee dalka iyo howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles