Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, kadib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka siyaasadda ayaa sheegaya in kulamo iyo loollan siyaasadeed ay durba ka curtay Muqdisho, iyadoo siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ay bilaabeen ololaha kursiga bannaanaanaya ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu warramayaa inuu riixayo qaar kamid ah siyaasiyiintii taageerada weyn ka geystay guushii Aadan Madoobe, waxaana kamid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru dowladdaha arrimaha Gudaha, sida uu shaaciyey Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee siyaasadeed ayaa imanaya xilli kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu noqday mid si weyn loogu loollamayo, iyadoo Villa Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin saameyn leh ay bilaabeen abaabul xooggan oo ku saabsan cidda hoggaanka Golaha qaban doonta bilaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles