Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, kadib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka siyaasadda ayaa sheegaya in kulamo iyo loollan siyaasadeed ay durba ka curtay Muqdisho, iyadoo siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ay bilaabeen ololaha kursiga bannaanaanaya ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu warramayaa inuu riixayo qaar kamid ah siyaasiyiintii taageerada weyn ka geystay guushii Aadan Madoobe, waxaana kamid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru dowladdaha arrimaha Gudaha, sida uu shaaciyey Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee siyaasadeed ayaa imanaya xilli kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu noqday mid si weyn loogu loollamayo, iyadoo Villa Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin saameyn leh ay bilaabeen abaabul xooggan oo ku saabsan cidda hoggaanka Golaha qaban doonta bilaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles