Kheyre oo Dowladda ku eedeeyay “Dhulboob iyo Weerar lagu qaaday Shacab”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook si kulul uga hadlay weerar maanta ka dhacay xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Kheyre ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay waxa uu ku tilmaamay “dhulboob iyo barakicin shacabka danyarta ah,” isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen dad rayid ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey,” ayuu yiri Kheyre.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay howlgalkaasi, isaga oo Alle uga baryay naxariis dadka dhintay iyo caafimaad kuwa dhaawacmay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale dhaliilay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay horay u sheegtay inay joojisay dhulboobka, balse haddana ay wali waddo falal uu ku tilmaamay “boob dhuleed, barakicin iyo gabood-fallo ka dhan ah shacabka.”

Kheyre ayaa sheegay in falalkaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin eedeymaha uu jeediyay Xasan Cali Kheyre ee la xiriira dhacdadii maanta ka dhacday degmada Cabdicasiis.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles