Thursday, June 11, 2026

Ololaha Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo bilaabatay

Ololaha loogu jiro xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga billowday magaalada Muqdisho, kadib markii Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Wararka siyaasadda ayaa sheegaya in kulamo iyo loollan siyaasadeed ay durba ka curtay Muqdisho, iyadoo siyaasiyiin kala duwan iyo xildhibaano ay bilaabeen ololaha kursiga bannaanaanaya ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu warramayaa inuu riixayo qaar kamid ah siyaasiyiintii taageerada weyn ka geystay guushii Aadan Madoobe, waxaana kamid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiiru dowladdaha arrimaha Gudaha, sida uu shaaciyey Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee siyaasadeed ayaa imanaya xilli kursiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu noqday mid si weyn loogu loollamayo, iyadoo Villa Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin saameyn leh ay bilaabeen abaabul xooggan oo ku saabsan cidda hoggaanka Golaha qaban doonta bilaha soo socda.

WARARKII KALE

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo rasmi ah xarigga uga jaray seddex waddo ee laga dhisay jowhar

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo uu...

Kheyre oo Dowladda ku eedeeyay “Dhulboob iyo Weerar lagu qaaday Shacab”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Jubbaland oo DF ku eedeysay leexsashada qalab kalluumeysi oo loogu talagalay dowlad-goboleedyada

Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay...

Puntland oo digniin culus kasoo saartay amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada mucaaradka

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo adag ka...

MW FIFI oo war ka soo saaray kiiska Garsoore Cumar Cartan

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka (FIFA), Gianni Infantino, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Jowhar iyo ammaanka oo la adkeeyay

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles