Koox burcad badeed ah oo isku dhiibay Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in saddex ka mid ah kooxda burcad-badeeda ee haysatay markabka MV Sward ay isu soo dhiibeen dowladda, kadib cadaadis iyo howlgallo ka socday xeebaha gobolka Mudug.

Raggan ayaa la sheegay inay isu dhiibeen odayaasha dhaqanka degmada Jariiban, iyagoo sheegay inay ka baxeen falalka burcad-badeednimada isla markaana ay cafis ka dalbanayaan dowladda Puntland.

Odayaasha deegaanka ayaa dowladda Puntland ka codsaday in cafis loo fidiyo raggan, waxaana maamulka uu aqbalay codsigaasi kadib shir ay yeesheen odayaasha iyo taliyaha saldhigga degmada Jariiban.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada ka dhanka ah burcad-badeeda ee ka socda xeebaha gobollada Mudug, Karkaar iyo Bari, halkaas oo weli lagu haysto saddex markab oo ay afduubteen kooxaha burcad-badeeda.

Maamulka Puntland ayaa horay u sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah burcad-badeeda iyo kooxaha kale ee amniga qalqal geliya ee ka howlgala xeebaha maamulkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles