Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku accusay inuu abuuray kooxo burcad-badeed hubeysan oo weeraro ku qaada maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.
Deni oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu burburiyay nidaamkii Federaalka ee lagu heshiiyay, isla markaana uu duullaan ku qaaday dowlad-goboleedyada dalka.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin waxa uu ku tilmaamay “afduub siyaasadeed iyo sharci” oo lagu sameeyay hanaanka dowladnimada Soomaaliya.
“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo lagu sameeyay nidaamkii heshiiska lagu ahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu duullaan ku yahay nidaamka Federaalka iyo maamulada dalka,” ayuu yiri Deni.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay weeraro hubeysan ka geysatay deegaanno ay kamid tahay Raaskambooni, halkaas oo uu sheegay in lagu dilay dad rayid ah oo Soomaaliyeed.
Deni ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyay magaalada Baydhabo, isagoo meesha ka saaray nidaamkii maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa cambaareeyay tallaabooyinka dowladda federaalka ee ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in Muqdisho ay ka socdaan xarig, barakicin iyo caburin siyaasadeed.
“Waxaan cambaareynayaa weerarka lagu qaaday Shariif iyo Kheyre. Xasan Sheekh wuxuu abuuray burcad-badeed,” ayuu yiri Deni.
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.


