Deni oo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, isagoo ku accusay inuu abuuray kooxo burcad-badeed hubeysan oo weeraro ku qaada maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Deni oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu burburiyay nidaamkii Federaalka ee lagu heshiiyay, isla markaana uu duullaan ku qaaday dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan aqbali doonin waxa uu ku tilmaamay “afduub siyaasadeed iyo sharci” oo lagu sameeyay hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Puntland waxay ka hortimid afduub siyaasadeed iyo sharci oo lagu sameeyay nidaamkii heshiiska lagu ahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu duullaan ku yahay nidaamka Federaalka iyo maamulada dalka,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay weeraro hubeysan ka geysatay deegaanno ay kamid tahay Raaskambooni, halkaas oo uu sheegay in lagu dilay dad rayid ah oo Soomaaliyeed.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khalkhal siyaasadeed iyo afgambi ka sameeyay magaalada Baydhabo, isagoo meesha ka saaray nidaamkii maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaa cambaareeyay tallaabooyinka dowladda federaalka ee ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in Muqdisho ay ka socdaan xarig, barakicin iyo caburin siyaasadeed.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka lagu qaaday Shariif iyo Kheyre. Xasan Sheekh wuxuu abuuray burcad-badeed,” ayuu yiri Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles