Wednesday, June 17, 2026

MW Xasan Sheekh oo Xilka ka Qaaday Taliye La sheegay inuu Diiday Weerarkii Mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Guutada 23-aad ee Booliis Melitaaro, Aadan Jeelle, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in tallaabadaasi la xiriirto diidmadiisii ku aaddanayd ka qaybgalka howlgal lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah madaxda mucaaradka.

Aadan Jeelle ayaa lagu beddelay Cabdullaahi Cusmaan Jimcaale, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan in taliyihii hore uu ka biya-diiday in ciidamadiisa lagu daro weerarkii lagu qaaday hoyga Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ciidanka Booliis Melitaaro oo taageero ka hela dowladda Imaaraadka Carabta dhinacyada tababarka, qalabka iyo mushaarka, ayaan lagu arkin howlgalkaasi, sidoo kalena kama mid aha ciidamada hadda ku sugan hareeraha guryaha ay deggan yihiin madaxda mucaaradka ee ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Falalqeeyayaal siyaasadeed ayaa xil ka qaadistan u arka mid muujinaysa in dowladda Federaalka ay sii xoojinayso cadaadiska ay ku hayso mucaaradka, xilli ay weli taagan yihiin murannada siyaasadeed ee ka dhashay khilaafka doorashooyinka iyo amniga Muqdisho.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo si weyn loo hadal hayo mustaqbalka xiriirka dowladda iyo mucaaradka, iyo saamaynta ay tallaabooyinkan ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles