Wednesday, June 17, 2026

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah, ay ku dhinteen duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay 15-kii November 2025 ka fuliyeen degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Baaritaankan oo ku saleysan wareysiyo lala yeeshay dad goob-joogayaal ah, sawirro, muuqaallo iyo caddeymo caafimaad ayaa tilmaamay in duqeyntu ay ku dhacday xaafado ay deganaayeen qoysas rayid ah xilli ay dadka qaar quraac cunayeen, halka carruurna ay ku sugnaayeen guryahooda.

Sida ay qortay The Guardian, mid ka mid ah guryihii la burburiyay ayaa ahaa hoyga Cabdullaahi Maxamed Abo Sheekh Cali. Awoowaha qoyska, Maxamed, ayaa sheegay inuu goobta yimid kadib qaraxyada islamarkaana uu helay meydadka carruur iyo haween ka tirsan qoyskiisa oo ku hoos jiray burburka guriga.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ahaa Safiyo Xasan Abukar oo uur lahayd iyo afar carruur ah oo ay dhashay. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhammaan dadka la dilay ay ahaayeen rayid aan wax lug ah ku lahayn dagaallada.

Warbixintu waxay sheegtay in tani ay tahay mid ka mid ah duqeymihii ugu khasaaraha badnaa ee rayidka Soomaaliyeed kasoo gaara howlgalada Mareykanka sannadihii ugu dambeeyay. Sidoo kale waxay xustay in ilaa hadda aan la shaacin wax baaritaan rasmi ah oo lagu sameeyay dhacdada, isla markaana dowladda Mareykanka aysan qiran dhimashada rayidka lagu sheegay weerarkaasi.

The Guardian ayaa sidoo kale su’aal gelisay habka loo qorsheeyay duqeynta iyo bartilmaameedka la beegsaday, iyadoo tilmaamtay in caddeymo badan ay muujinayaan in goobaha la duqeeyay ay ahaayeen xaafado ay deganaayeen qoysas rayid ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

 Jaamacadda Carabta oo si Kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles