Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in mas’uuliyadda xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay dusha ka saaran tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa lagu sheegay in garoonka Doolow uu weli xiran yahay tan iyo 19-kii Luulyo 2025, iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegay in xirnaanshahaasi uu saameyn xooggan ku yeeshay adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo isu-socodka bulshada degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.

Jubbaland waxay sheegtay inay dadaallo iyo codsiyo badan u dirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) si dib loogu furo garoonka, balse ay hay’addu xaqiijisay inaysan awood u lahayn qaadashada go’aanka dib-u-furista.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka inay maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanayso dano siyaasadeed, iyadoo ku tilmaantay xirnaanshaha garoonka Doolow mid ka hor imanaya xeerarka duulista rayidka iyo halbeegyada ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO).

Jubbaland ayaa mar kale ku baaqday in si degdeg ah dib loogu furo Garoonka Diyaaradaha Doolow, iyadoo sheegtay in dowladda federaalka ay qaaddo mas’uuliyadda dhammaan dhibaatooyinka ka dhashay xirnaanshaha muddada dheer socday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles