Wednesday, June 17, 2026

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in mas’uuliyadda xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Doolow ee gobolka Gedo ay dusha ka saaran tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka oo kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Jubbaland ayaa lagu sheegay in garoonka Doolow uu weli xiran yahay tan iyo 19-kii Luulyo 2025, iyadoo maamulka Jubbaland uu sheegay in xirnaanshahaasi uu saameyn xooggan ku yeeshay adeegyada caafimaadka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo isu-socodka bulshada degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.

Jubbaland waxay sheegtay inay dadaallo iyo codsiyo badan u dirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) si dib loogu furo garoonka, balse ay hay’addu xaqiijisay inaysan awood u lahayn qaadashada go’aanka dib-u-furista.

Sidoo kale, Jubbaland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka inay maamulka hawada Soomaaliya u adeegsanayso dano siyaasadeed, iyadoo ku tilmaantay xirnaanshaha garoonka Doolow mid ka hor imanaya xeerarka duulista rayidka iyo halbeegyada ay dejisay Hay’adda Duulista Rayidka Adduunka (ICAO).

Jubbaland ayaa mar kale ku baaqday in si degdeg ah dib loogu furo Garoonka Diyaaradaha Doolow, iyadoo sheegtay in dowladda federaalka ay qaaddo mas’uuliyadda dhammaan dhibaatooyinka ka dhashay xirnaanshaha muddada dheer socday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

 Jaamacadda Carabta oo si Kulul u Cambaareysay Safaaradda Somaliland ee Qudus

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles