Monday, June 22, 2026

Iran oo hanjabaad u dirtay Israa’iil

Esmail Qaani, oo ah taliyaha Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC), ayaa jeediyay hadallo hanjabaad ah oo uu ugu digayo ciidanka Israa’iil in ay filan karaan khasaare intaas ka badan haddii aysan ka bixin koonfurta Lubnaan.

Hadalladan waxaa fiidkii Axadda baahisay Sepah News, oo ah warbaahinta rasmiga ah ee Ilaalada Kacaanka, iyada oo soo xiganaysa Qaani oo yiri:

“Askarta gardarrada iyo argagixisada Sahyuuniyadda ahow, waxaad la kulanteen 100 khasaare wax ka yar 4 maalmood gudahood!!! Haddii aydnaan cagihiinna uga bixin koonfurta Lubnaan, waxaa mar kale soo noqon doona halgankii weynaa ee sanadkii 2000; isla sanadkii aad si ceeb ah uga cararteen dhulkan.”

Isku dhacyada sii socda ee koonfurta Lubnaan iyo ku adkaysiga dowladda Israa’iil ee ah inay sii joogto aagga xayndaabka ah iyo gudaha dhulka Lubnaan ayaa toddobaadkii la soo dhaafay noqday qodobka ugu weyn ee lagu kala aragti duwan yahay wadaxaajoodyada iyo isfahamka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

WARARKII KALE

R/wasaaraha UK oo is casilay

Raysal wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay inuu iska...

Booliska oo xiray Laba eedeysane oo TikTok ku Faafinayay Anshax-Xumo

Ciidanka Booliska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Garasbaaley, ayaa fuliyay...

 Wasiir Fiqi: “Cadowga Soomaaliya iyo Gooni-u-goosadku Ma guulaysan doonaan”

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in...

Kenya oo Ciidamo Cusub u diyaarisay Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa soo gabagabeeyay tababar adag...

DF oo Cambaareysay Xadgudub loo geystay Gabar Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay fal...

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah oo fariin adag u diray Israa’iil

Hogaamiyaha kooxda Xisbullah, Naim Qassem, ayaa ka jawaabay hadalladii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles