Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo ku taalla deegaanka Irresuki ee degmada Mandera Central, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa si guul leh uga hortagay weerarkaasi.

Sida lagu sheegay warbixin laga diiwaangeliyay saldhigga booliska ee Elwak, weerarka ayaa waxaa qaaday zubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii dagaalyahannadu ay isku dayeen inay bartilmaameedsadaan xerada ciidamada. Kaaliyaha taliyaha deegaanka Irresuki ayaa dhacdadan ku wargeliyay ciidamada booliska.

Ciidamada ammaanka ee ku sugnaa xerada ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, iyagoo dagaal la galay kooxdii weerarka soo qaaday kuna qasbay inay dib u gurtaan.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka Kenya, sidoo kalena lama oga khasaaraha gaaray dhinaca maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Ciidamada ammaanka ayaa bilaabay hawlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanka iyo baaritaan lagu ogaanayo xaaladda guud ee goobta.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kaceen walaacyada amni ee ka jira gobolka waqooyi-bari Kenya, halkaas oo Al-Shabaab ay hore uga geysteen weerarro ka dhan ah xarumaha ciidamada iyo kaabeyaasha rayidka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

munasabada caleema saarka Hogaanka hirshabelle oo maanta jowhar lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Saacid oo ka digay wiiqidda hay’adaha madaxa-bannaan iyo sharciga oo loo leexiyo rabitaanka madaxda

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid),...

Cabdifataax Afrax oo Beledweyne ku soo bandhigay ciidamo taageersan Hirshabeelle

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku...

 Masar, Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay in amniga Badda Cas ay mas’uul ka yihiin dalalka xeebaha leh

Dowladda Masar ayaa wadahadallo cusub la yeelatay Soomaaliya iyo...

Kheyre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay dilka saddex qof oo lagu toogtay Deyniile

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles