Tuesday, June 23, 2026

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda loo haysto Sacdiya Bajaaj, oo wajahaysa eedeymo la xiriira kicin dadweyne, iyadoo hadda la sugayo go’aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda.

Dhageysiga kiiska oo socday ku dhowaad saddex saacadood ayaa maxkamaddu ku dhegeysatay doodaha Xeer Ilaalinta, wareysiga eedeysanaha Sacdiya Bajaaj iyo difaaca ay soo bandhigeen qareennada u doodaya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabaan, ayaa ku dhawaaqay in la soo xiray dhammaan dhageysiyada kiiska, isagoo sheegay in dib laga soo sheegi doono waqtiga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo xukunka iyo go’aanka maxkamadda.

Qareenka difaacaya Sacdiya Bajaaj, Abuukaate Xalane, ayaa sheegay in dhammaan marxaladihii dacwadda la soo afjaray, isla markaana hadda la sugayo go’aanka maxkamadda. Wuxuu ku dooday inaysan jirin caddeymo ama marqaatiyo taageeraya eedeymaha loo jeediyay macmiilkiisa.

“Majiro wax caddeymo ah ama marqaati ah oo loo hayo eedeymaha Sacdiya Bajaaj,” ayuu yiri Abuukaate Xalane.

Dhawaan ayay maxkamaddu dib ugu celisay xeer-ilaalinta dacwadda, iyadoo ka dalbatay inay dhamaystirto ama xoojiso qodobbada iyo caddeymaha la xiriira kiiska.

Sacdiya Bajaaj oo muddo 74 maalmood ah u xirnayd Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ka soo muuqatay Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyadoo la soo afjaray dhammaan dhageysiyadii dacwadda loo haystay.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

Shir looga hadlay amniga oo ka dhacay Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Trump oo eedeyn u jeediyay Keir Starmer

Madaxweyne Trump ayaa mar kale dhaleeceeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles