Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna Waljamaaca (ASWJ) uga saartay liiska kooxaha lagu eedeeyo ku lug lahaanshaha xadgudubyada carruurta xilliyada colaadaha hubeysan, kaddib markii la xaqiijiyay in ururkaasi aanu hadda u jirin koox hubeysan oo madaxbannaan.

Warbixinta sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan ayaa lagu sheegay in xubnihii ASWJ ay si buuxda ugu biireen hay’adaha amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo horseedday in laga saaro liiska dhinacyada lagu daba-galo askaraynta carruurta iyo xadgudubyada kale ee la xiriira colaadaha.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka Qaramada Midoobay, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muujinaysa horumarka laga gaaray dib-u-habeynta hay’adaha amniga, xoojinta dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay hormuud ka ahayd dadaalladii iyo wada-hadalladii farsamo ee lagu xaqiijiyay xaaladda Ahlu Sunna Waljamaaca, iyadoo Dowladda Federaalka ay Qaramada Midoobay u gudbisay codsi rasmi ah oo ku saleysan xaqiiqooyinka ka jira dalka.

Geeddi-socodka dib-u-eegista ayaa waxaa ka qayb qaatay hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda, Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo wadajir u xaqiijiyay in ASWJ aysan hadda ahayn koox hubeysan oo madaxbannaan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, UNICEF, Dowlad-goboleedyada iyo dhammaan saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay ku bixiyeen arrintan, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta carruurta, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo dhismaha hay’ado amni oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

WARARKII KALE

Ciidamada Koofur Galbeed oo gacanta ku dhigay ninkii dilay Jamaal oo ahaa wiil dhalinyaro ah

Ciidamada amniga maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku dhigay...

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

Maxay ka wadahadleen wasiirka arrimaha dibadda iyo Xoghayaha Guud ee OIC?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Shaki weyn oo ka dhashay sababta Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

Shaki iyo su’aalo siyaasadeed ayaa ka dhashay go’aanka Guddiga...

Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles