Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka muwaadiniinta afar dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea iyo Suudaan.

Mas’uul ka tirsan dowladda ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka gelitaanka ajaaniibta ee dalka.

Wareegto ay soo saartay dowladda fadhigeedu yahay magaalada Benghazi ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta afartaas dal laga joojiyay inay Liibiya ka soo galaan dhammaan marinada dhulka, badda iyo hawada.

Dowladda Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hamad ayaa taageero ka hesha taliyaha ciidamada Bariga Liibiya, Khalifa Haftar, oo gacanta ku haya bariga dalka iyo qaybo badan oo ka tirsan koonfurta Liibiya.

Dhanka kale, dowladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Cabdi Xamiid Dbeibah ayaa xarunteedu tahay magaalada Tripoli.

Mas’uul ka tirsan maamulka Bariga Liibiya ayaa wakaaladda Reuters u sheegay in go’aankan looga gol leeyahay dib-u-habeyn lagu sameeyo habka ay ajaaniibtu ku soo galaan dalka.

Go’aanka cusub ayaa ka reebaya xubnaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha la aqoonsan yahay iyo qoysaskooda.

Sidoo kale waxaa laga dhaafay shaqaalaha ka shaqeeya waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada la xiriira, haddii ay haystaan oggolaanshaha lagama maarmaanka ah iyo heshiisyo shaqo oo sharci ah.

Liibiya ayaa tan iyo markii la riday hoggaamiyihii hore ee dalka, Muammar Gaddafi sanadkii 2011, noqotay marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta ka cararaya colaadaha iyo saboolnimada si ay ugu gudbaan Yurub.

Dalka ayaa sidoo kale wajahayay khilaafyo siyaasadeed iyo kuwo amni tan iyo sanadkii 2014.

Sida ay muujinayaan xogaha Qaramada Midoobay, Liibiya waxaa ku sugan in ka badan 900,000 oo muhaajiriin ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid dalalka Afrika.

WARARKII KALE

Ciidamada Danab oo howlgal ku qabtay xubno k tirsan Al-shabaab

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab,...

Safiirkii Turkiga Alper oo fariin macsalaameyn ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Safiirkii Dowladda Turkiga u qaabilsanaa Soomaaliya, Alper Aktaş, oo...

Maxay ka wadahadleen wasiirka arrimaha dibadda iyo Xoghayaha Guud ee OIC?

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Shaki weyn oo ka dhashay sababta Xisbiga Towfiiq looga reebay doorashada ku-celiska ah ee Galmudug

Shaki iyo su’aalo siyaasadeed ayaa ka dhashay go’aanka Guddiga...

Ruushka oo ku dhawaaqay inuu soo riday in ka badan saddex boqol oo diyaaradood

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in ciidamada difaaca cirka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles