Wednesday, June 24, 2026

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso qorshaha ay ku doonayso inay doorashooyin ka qabato dowlad-goboleedka Galmudug, kaddib is-afgarad siyaasadeed oo la sheegay inuu dhexmaray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), iyo madaxda Villa Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Dowladda Federaalka ay taageerayso Ganacsade Liibaan Axmed inuu noqdo musharraxa xisbiga JSP ee Galmudug, iyadoo qorshahan uu qayb ka yahay diyaarinta doorashooyinka la qorsheynayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la filayaa inuu berri gaaro magaalada Dhuusamareeb si uu u sii ambaqaado wada-hadallada iyo is-afgaradka la xiriira arrimaha doorashooyinka Galmudug.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay waddo hannaan doorasho oo horay loogu sii diyaarinayo hoggaamiyeyaasha la dooranayo, iyagoo ku tilmaamay nidaamkaasi mid aan si dhab ah uga turjumayn doorasho xor ah.

Sida qorshaha Dowladda Federaalka uu yahay, doorashooyin ayaa hore looga qabtay Koonfur Galbeed, halka Galmudug ay noqonayso maamulka xiga.

Waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in doorashooyin laga qabto Hirshabeelle, deegaannada Waqooyi Bari ee heer deegaan, iyo gobolka Gedo ee Jubbaland.

Mucaaradka ayaa ku baaqaya in la joojiyo nidaamka hadda socda, isla markaana dalka loo jiheeyo doorashooyin toos ah oo aan ku dhisnayn nidaamka xisbiyada, balse ku saleysan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

Ahlu Sunna Waljamaaca oo laga saaray Liiska Kooxaha lagu eedeeyo Askaraynta Carruurta

Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah ururkii Ahlu Sunna...

Kim Jong Un, ayaa sheegay in dalkiisu uu ciidanka badda ku qalabaynayo hubka niyukliyarka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa sheegay in...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles