Saturday, June 27, 2026

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu wajahayo cadaadis siyaasadeed oo sii kordhaya oo uga imanaya xubno ka tirsan Beesha Caalamka, kuwaas oo doonaya in la gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka federaalka ee dalka.

Sida ay sheegayaan ilo diblomaasiyadeed iyo ilo kale oo si dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga sugayaa inuu kahor dhammaadka bisha July soo bandhigo heshiis siyaasadeed oo kama dambeys ah oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in caqabadda ugu weyn ay tahay sida loo heli karo is-afgarad ay wada aqbalaan dowladda, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu weli ku adkeysanayo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan, isagoo kasoo horjeeda in dib loogu laabto hannaan doorasho oo aan ku dhisnayn nidaamkaas.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan gaar ah siinaysa qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo la filayo in lagu maareeyo hannaan siyaasadeed oo la mid ah kii hore uga dhacay Muqdisho iyo Baydhabo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in marka la soo gabagabeeyo doorashooyinkaasi, dowladda federaalka ay qorsheynayso inay wada-hadallo rasmi ah la furto maamullada ay u aqoonsan tahay dowlad-goboleedyada dalka, si loo dardargeliyo heshiiska doorashooyinka heer federaal.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in dowladda ay weli wajahdo caqabado adag oo la xiriira saameynta mucaaradka, kuwaas oo door muuqda ku leh doodaha ku saabsan jihada siyaasadeed iyo nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa la filayaa inay gasho marxalad xasaasi ah bilaha July iyo August, xilli la sugayo go’aanno muhiim ah oo saameyn weyn ku yeelan kara geeddi-socodka doorashooyinka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo ka guddoomay Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka Soomaaliya

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah...

Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan oo Kuwait lagu soo dhoweeyey

Ka dib Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Guddiga sare...

Trump oo sheegay Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka inu yahay  xadgudub ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka

Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul...

kulamo muhiim ah kula yeeshay madaxda Dowlad-goboleedka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles