Thursday, June 25, 2026

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo xarig ah ku ridday Sacdiyo Macallin Cali, oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, kadib dhageysiyo kala duwan oo ay maxkamaddu u qabatay dacwaddeeda.

Sacdiyo Bajaaj ayaa ku jirtay xabsi ku dhow saddex bilood, tan iyo markii loo xiray eedeymo la xiriira kicin dadweyne iyo abaabulka banaanbaxyo ka dhan ah dowladda oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qareennada difaacayay Sacdiyo ayaa si degdeg ah uga horyimid go’aanka maxkamadda, iyagoo sheegay inaysan ku qanacsanayn xukunka la riday.

“Sacdiyo kuma qancin go’aanka maxkamadda, maxkamaddu waxay isticmaashay go’aan adag oo laga baaqsan karay,” ayuu warbaahinta u sheegay Abuukaate Maxamed Sheekh, oo ka mid ah qareennada difaaca.

Sidoo kale, kooxda qareennada ayaa shaacisay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka maanta ay ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inay adeegsan doonaan dhammaan fursadaha sharci ee u bannaan.

Xukunkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dacwadda Sacdiyo Bajaaj ay muddooyinkii dambe si weyn u hadal hayeen bulshada iyo warbaahinta, isla markaana ay ka dhalatay dood ku saabsan xorriyadda hadalka iyo sharciga la xiriira isu-soo-baxyada dadweynaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

 Dhul gariir ku dhuftay Venezuela

Laba dhulgariir oo waaweyn oo ilbiriqsiyo gudahood isku xigay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles