Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa si kulul uga falceliyay xukunka saddexda sano ee xabsiga ah ee maanta lagu riday Sacdiyo Macallin Cali Xasan (Sacdiyo Bajaaj).

Kheyre ayaa sheegay in xarigga iyo xukunka Sacdiyo Bajaaj uu si toos ah u amray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid muujinaysa dulmi, aargoosi siyaasadeed iyo ku-takrifal awood.

Waxa uu sheegay in Sacdiyo Bajaaj aysan ahayn dambiile balse ay tahay hooyo u halgamaysay quudinta qoyskeeda, isla markaana loo ciqaabay cabbiridda aragtideeda, taas oo uu sheegay inay tahay xuquuq uu dammaanad qaadayo Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale, Kheyre ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir inay qeyb ka noqotay fulinta dano siyaasadeed, isagoo xusay in xukunka Sacdiyo uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee garsoorka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles