Isagoo ka hadlayay weerarkii Jimcihii lagu qaaday markab xamuul ah oo marayay Marinka Hormuz, Donald Trump ayaa Iran ku eedeeyay inay jebisay xabbad-joojintii lagu heshiiyay.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, madaxweynaha Maraykanka ayaa Iran dusha ka saaray mas’uuliyadda weerarka, isagoo qoray: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ugu yaraan afar diyaaradood oo ismiidaamin ah ku weerartay maraakiib marayay Marinka Hormuz.”
Trump ayaa sidoo kale sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay “ku dhacday sagxadda sare ee markab xamuul oo weyn oo aad u qaali ah. Waxaa soo gaaray waxyeello, balse markabku wuxuu awooday inuu sii wato safarkiisa.”
Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku “soo riday saddex diyaaradood oo kale.”
“Sida cad, tani waa jebin nacasnimo ah oo lagu sameeyay heshiiskii xabbad-joojinta,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay madaxweynaha Maraykanka.
Trump oo sheegay Weerarka Iiraan ee markabka xamuulka inu yahay xadgudub ka dhan ah heshiiska joojinta dagaalka
NAGU SOO BIIR


