Ka dib Casuumaad uu ka helay Guddoomiyaha Guddiga sare ee Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait Sheekh Axmed Yuusuf Al-Sabaax ayuu garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan maanta gaaray dalka Kuwait, si uu u dhex-dhexaadiyo ciyaarta u dhexeysa kooxaha Kuwait SC iyo Al-Qadsiya, taas oo dhici doonta 29-ka June, taas oo ah cayaarta u dambeysa horyaalka Zen Premier League.
Soo dhoweynta Cumar Cartan waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dowladda Kuwait Cabdullaahi Maxamed Sheekh, Guddoomiye ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda, xoghayaha guud ee xiriirka, Dr. Saalix Majruub, Agaasimaha Waaxda Warbaahinta ee xiriirka Dr. Sataam Al-Saaxli iyo wakiillo ka socday shirkadda maalgaliya horyaalka oo ay ka mid yihiin Cabdulmuxsin Al-Zabn iyo Axmed Al-Rozaan.
Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cartan oo Kuwait lagu soo dhoweeyey
NAGU SOO BIIR


