Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta guddoon siiyay Madaxweynaha Burkina Faso Captain Ibrahim Traore Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo ee uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulanka Madaxweynaha kahor, waxaa nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjire Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burkina Faso.
Markii uu Danjiraha warqadda dhiibay kadib, wuxuu kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Burkina Faso, isagoo gaarsiiyay salaan gaar ah oo uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Burkina Faso ayaa dhankiisa bogaadiyay magacaabidda Danjiraha iyo dadaalada xoojinta xiriirka labada dal, isagoo sheegay in dhankooda ay ka go’antahay Iskaashiga labada dal ee walaalaha in sare loo qaado, gaar ahan dhinacyada Ganacsiga, Amniga iyo Iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Burkina Faso, oo ka guddoomay Warqadda Aqoonsiga Danjirenimo Safiirka Soomaaliya
NAGU SOO BIIR


