Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay maalmihii la soo dhaafay fuliyeen duqeymo is xigxigay oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay dowladda, howlgalada cirka ayaa ka dhacay deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo Al-Shabaab ay u adeegsan jirtay abaabulka dagaalyahannada, tababarrada iyo kaydinta hubka, rasaasta iyo saanadda ciidan.
Dowladdu waxay sheegtay in duqeyntii ugu horreysay la fuliyay 24-kii Juun, iyadoo lagu burburiyay xarun abaabul oo Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Gayfo, laguna bartilmaameedsaday maleeshiyaadkii iyo hubkii yaallay goobta.
Sidoo kale, 25-kii Juun ayaa la sheegay in saddex duqeyn oo xiriir ah lagu qaaday xarun tababar oo kooxda ku lahayd deegaanka Ruun Idiris, halkaas oo lagu diyaarin jiray dagaalyahannada.
Duqeyn kale oo isla maalintaas ka dhacday deegaanka Cali Gaduud ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad hubeysan oo, sida dowladda sheegtay, isu diyaarinayay fulinta weerarro iyo falal argagixiso.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guud ahaan howlgaladan lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay laba gaari, saddex mooto, hub, rasaas iyo saanad ciidan.
Dowladdu waxay xustay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab laguna burburinayo xarumaha ay kooxda ka qorsheyso weerarrada ay ka geysato gudaha dalka.


