Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda lagu xusayo 66 sano-guurada ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, isla markaana ay noqotay Jamhuuriyad madax-bannaan.
Munaasabadda ayaa ka socota Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka qeyb galaya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda beesha caalamka, marti sharaf iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu khudbad ka jeediyo munaasabadda, halka Ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kale ee dowladda ay soo bandhigi doonaan dhoolla-tus iyo gaadiidka ciidamada, si loo maamuuso munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madax-bannaan.


