Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo, oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay awooddooda iyo diyaar-garoow heer sare ah, iyadoo lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka, taasi oo muujisay horumarka ay dowladdu ka sameysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida qarannimada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo difaaca madax-bannaanida dalka si loo xaqiijiyo Soomaaliya amni leh, horumarsan oo ku dhisan isku filnaansho iyo dowladnimo buuxda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles