Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda weyn ee xuska 66-guurada ka soo wareegatay maalintii taariikhiga ahayd ee 1-da Luulyo, oo ku beegan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, taas oo saldhig u noqotay dhalashada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo maamuusaya halyeeyadii Soomaaliyeed ee nafahooda u huray gobannimada iyo mideynta dalka ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon, isaga oo xusay qiimaha ay leedahay in la xasuusto halgankii dheeraa ee shacabka Soomaaliyeed ay usoo galeen xorriyadda, midnimada iyo dowladnimada.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo abaabulay ayaa waxaa gaarda ka ciyaar ku maray cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaasi oo soo bandhigay awooddooda iyo diyaar-garoow heer sare ah, iyadoo lagu soo bandhigay gaadiidka gaashaaman, qalab ciidan oo casri ah iyo diyaaradaha dagaalka, taasi oo muujisay horumarka ay dowladdu ka sameysay dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida qarannimada, isaga oo ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo difaaca madax-bannaanida dalka si loo xaqiijiyo Soomaaliya amni leh, horumarsan oo ku dhisan isku filnaansho iyo dowladnimo buuxda.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

Iiraan oo u jawaabtay Mareykanka hal su’aal na weydiisay

Ku xiigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Kazem Gharibabadi, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles