Sunday, July 5, 2026

DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee caasimadda Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, kaas oo lala beegsaday maqaaxi ay ku sugnaayeen dad rayid ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay si kulul u cambaareyneyso qaraxaas argagixisanimo ee sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo dhaawaca tiro kale oo badan.

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tacsi tiiraanyo leh la wadaagayso Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, gaar ahaan qoysaska iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaas, iyadoo dhaawacyadana Alle looga baryay caafimaad degdeg ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab istaag buuxa la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Suuriya xilligan adag, isla markaana ay mar kale xaqiijinayso taageeradeeda ku aaddan amniga, xasilloonida iyo badbaadada shacabka Suuriya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale mar kale adkeysay mowqifkeeda ku aaddan la dagaallanka argagixisada nooc kasta oo ay tahay, iyadoo xustay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah ee lagula tacaalayo weerarrada lagu beegsanayo shacabka rayidka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles