Xildhibaannada laga soo doortay Puntland oo DFS ku eedeeyay burburinta nidaamka federaalka

Xildhibaannada iyo Senatorrada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay Puntland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo tallaabooyin ay ku burburinayso nidaamka federaalka dalka, gaar ahaan maamulka Puntland.

War-murtiyeedka oo ay saxiixeen 30 xildhibaan iyo senator ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay qaaday “duulaan siyaasadeed” oo ka dhan ah kala dambeynta iyo nidaamka federaalka, iyagoo ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha Puntland iyo jiritaanka nidaamka awood qeybsiga dalka.

Xildhibaannada ayaa bulshada Puntland ugu baaqay inay si mideysan uga hortagaan waxa ay ku tilmaameen duullaanka lagu hayo nidaamka federaalka, isla markaana ay u istaagaan difaaca jiritaanka iyo madaxbannaanida maamulka Puntland.

Sidoo kale, xildhibaannadan ayaa beesha caalamka ka codsaday inay si dhow ula socdaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Puntland, si looga hortago in xaaladdu u gudubto heer sii cakiran.

War-murtiyeedkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimo la xiriira awood qaybsiga, doorashooyinka iyo maamulka amniga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Masar oon oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga

Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro...

Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada

Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin...

Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku...

Xasan Sheekh oo mucaaradka ugu yeeray gogol wadahadal oo Muqdisho ka furmaysa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casuumaad rasmi ah...

Firdhiye iyo Abwaan oo heshiis ka gaaray khilaafkii siyaasadeed ee ka dhex taagnaa

Hoggaamiyaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles