Madaxweynaha Hirshabelle oo Shir Gudoomiyay Kulan Looga Hadlayay Hormarka Caasimada Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Caasimada iyo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhiggay sida uu uga shaqeeyo caasimada Jowhar mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashadaan Dowladda Soomaaliya, UNDP, UN-HABITAT iyo UNICEF.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay amniga, bilicda, dhismayaasha, dhiirogelinta dalxiiska iyo maamul-wanaaga magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku ammaanay howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqada baaxada leh ay waqtigaan gacanta ku hayaan.

“Wadajir aan ugu guntano horumarka caasimada, dhawaan dhismaha waddooyinka ayaa soo idlaan doono haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray dhammaan dhinacyada ay quseyso horumarinta caasimada in lagula xisaabtami doono howlaha ay gacanta ku haayaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea inay ku xadgudbtay madaxbannaanideeda

Itoobiya ayaa ku eedaysay dalka deriska la ah ee...

Jubbaland oo ku dhawaaqday in si nabad ah loo soo afjaray xiisaddii Beledxaawo

Madaxtooyada Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in si nabad ah...

Weerar ku bilowday qaraxyo oo ka dhacay Hiiraan

Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo...

Jubbaland oo la wareegtay amniga Beledxaawo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Baladxaawo, ciidamada Jubbaland...

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Soomaalida Minnesota

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles