Sagal Cabdiweli oo ah gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa ku guuleysatay kursiga Xildhibaannimo ee deegaan doorashadiisa ay tahay Helbon and St Pancras iyadoo heshay codad gaaraya 12,292 waxaana ay ka guuleysatay Zack Polanski oo isaguna helay 8,928 cod sida ay qortay majalada Financial Times.
Sagal Cabdiweli ayaa ahayd gabar Qaxooti ah oo muddo ku nool dalka Ingiriiska iyadoo sameysay taariikh ay ku faanayaan dadka Soomaaliyeed.
Kursiga ay ku guuleysatay ayaa ahaa mid miisaankiisu sarreeyo maadaama uu ku fadhiyay R/wasaarihii hore ee Ingiriiska Keir Starmer.
Sagal Cabdi Wali waa qofkii ugu horreyay ee Soomaali ah oo loo doorto xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka Britain, waxeyna markii ugu horreysay Ingiriiska timid horraantii sagaashamaadkii, iyadoo ahayd ilmo qaxooti ah oo qoyskeedu ka soo carareen dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.
Sagal oo 42 jir ah waxaa markii ugu horreysay loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka Camden sannadkii 2022. Bishii May ee sannadkan, waxay taariikhda gashay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee hoggaamisa golaha deegaanka Camden.
Waxay hore uga hadashay waayo-aragnimadeeda qaxootinimo, iyadoo sannadkii 2019 warbaahinta u sheegtay:”Camden ayaa hoy ii noqotay tan iyo markii aan aniga iyo qoyskaygu halkan u soo guurnay anigoo ilmo qaxooti ah, kana soo cararnay Soomaaliya oo uu dagaal ka socday”.


