Dagaal xooggan ayaa ka dhacay tuulada Xaanshi Gadafar oo ku taalla duleedka deegaanka Hees ee u dhow Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana xigay dagaal fool-ka-fool ah oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Wararka ugu dambeeya ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Hees, halkaas oo ay hore ugu sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidamada ayaa la sheegay inay isaga baxeen deegaanka kadib dagaalka, hase yeeshee xaaladda goobta weli waxay u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in xabado goos-goos ah laga maqlayo Hees, iyadoo xaaladda amni ee halkaasi ay weli kacsan tahay.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle ama dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka, xaaladda deegaanka iyo khasaaraha ka dhashay.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo dagaalka iyo halka ay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab kala joogaan deegaanka Hees.


