Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Iran ku bartilmaameedsatay dalalka Kuwait iyo Bahrain, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida labada dal iyo khatar sii hurin karta xiisadda ka taagan gobolka.


Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay weerarradaasi u aragto xadgudub toos ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Kuwait iyo Bahrain, isla markaana ay yihiin tallaabo halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.


Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u diiddan tahay fal kasta oo wax u dhimaya amniga dalalka Khaliijka, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya colaadda inay muujiyaan is-xakameyn, hoosna u dhigaan xiisadda sii kordheysa.


Bayaanka ayaa lagu xusay in Masar ay garab taagan tahay Kuwait, Bahrain iyo guud ahaan dalalka Khaliijka, islamarkaana ay taageereyso wax kasta oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ugu dambeyn caddeysay in amniga dalalka Khaliijka uu qeyb ka yahay amniga Masar iyo kan guud ahaan gobolka, iyadoo adkeysay in aan la aqbali karin weerarro sii kordhiya qalalaasaha iyo khatarta amni ee Bariga Dhexe.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles