Waxaa saaka magaalada Muqdisho markale kulan ku yeelanaya guddiyada farsamo ee kala metelaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, ka hor inta aan si rasmi ah u bilaaban wada-hadallo fool ka fool ah oo la doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.
Kulamadan oo shalay billowday ayaa la sheegay in ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale la xusayo in dadaalladan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo ay ku lug leeyihiin wakiillo reer Galbeed ah, si loo abuuro jawi ay labada dhinacba ku kalsoonaadaan.
Wadahadalladan cusub ayaa imaanaya kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo hore loogu doonayay in lagu soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, balse aan lagu guuleysan in la gaaro is-afgarad rasmi ah.
Mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa hore u diiday inay ka qeybgalaan wada-hadallo uu Turkigu si gaar ah u hoggaaminayo, iyagoo ku dooday in Ankara aysan ahayn dhexdhexaadiye ay labada dhinac si isku mid ah ugu kalsoon yihiin.
Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in Turkiga markan uu wada shaqeyn la sameynayo wakiillo reer Galbeed ah, si loo dhiso hannaan dhexdhexaadnimo leh oo kor u qaada fursadaha lagu gaari karo heshiis siyaasadeed.
Dadaalladan ayaa qeyb ka ah cadaadis iyo taageero caalami ah oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo laga cabsi qabo in haddii aan xal degdeg ah la helin uu sii xoogeysto qalalaasaha siyaasadeed ee dalka.
Weli lama oga natiijada ka soo bixi doonta kulamadan, hase yeeshee waxaa si weyn isha loogu hayaa in ay gogol xaar u noqdaan wada-hadallo toos ah oo dhexmara madaxda dowladda iyo hoggaanka mucaaradka.


