Masar oo si adag u cambaareysay weerarrada Iran ku qaaday Kuwait iyo Bahrain

Dowladda Masar ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada ay Iran ku bartilmaameedsatay dalalka Kuwait iyo Bahrain, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida labada dal iyo khatar sii hurin karta xiisadda ka taagan gobolka.


Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in Qaahira ay weerarradaasi u aragto xadgudub toos ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Kuwait iyo Bahrain, isla markaana ay yihiin tallaabo halis ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka Khaliijka.


Masar ayaa sidoo kale sheegtay inay si buuxda u diiddan tahay fal kasta oo wax u dhimaya amniga dalalka Khaliijka, iyadoo ugu baaqday dhinacyada isku haya colaadda inay muujiyaan is-xakameyn, hoosna u dhigaan xiisadda sii kordheysa.


Bayaanka ayaa lagu xusay in Masar ay garab taagan tahay Kuwait, Bahrain iyo guud ahaan dalalka Khaliijka, islamarkaana ay taageereyso wax kasta oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa ugu dambeyn caddeysay in amniga dalalka Khaliijka uu qeyb ka yahay amniga Masar iyo kan guud ahaan gobolka, iyadoo adkeysay in aan la aqbali karin weerarro sii kordhiya qalalaasaha iyo khatarta amni ee Bariga Dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles