Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Gaaray Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud

Xildhibaanad Reys Qorane Abshir aAdam oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye (Makaawi) ayaa booqasho shaqo ku gaaray degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay u tageen qiimeynta xaaladda bani’aadannimo iyo baahiyaha mudnaanta leh ee bulshada deegaanka.

Wafdiga waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Caabudwaaq, waxaana munaasabadda soo dhaweynta ka hadlay Guddoomiyaha degmada Caabudwaaq, Guddoomiyaha Ururka Haweenka iyo qaar ka mid ah waxgaradka degmada, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay booqashadani u leedahay bulshada deegaanka iyo rajada laga qabo in ay horseeddo gurmad iyo taageero dheeraad ah.

Wafdigaan oo ka hadlay ujeeddada booqashadooda ayaa sheegay in safarkoodu uu salka ku hayo qiimeyn dhab ah oo lagu ogaanayo xaaladda deegaanka, si loo xoojiyo gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo bulshada ay saameeyeen duruufaha bani’aadannimo.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles