Wednesday, February 5, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo Kormeeray Wasaaradda Cadaaladda XFS

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo madaxda kale ee wasaaradda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka isagoo ka dhageystay warbixinta howlaha wasaaradda oo ay ka mid yihiin dhaqangelinta istiraatiijiyadda cadaaladda dalka, dib-u-habaynta shuruucda iyo latashiyada bulshada ee dhamaystirka dastuurka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale kormeeray waaxaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo warbixinno ka dhageystay hormuudka waaxaha, wuxuuna bogaadiyay dedaallada wasaaradda gaar ahaan dib-u-habaynta nidaamka cadaaladda ka qeyb-galinta dadweynaha ee dib-u-eegista dastuurka iyo howlaha muhiimka ah ee wasaaradda ay waddo, isaga oo ku ammaanay hufnaanta iyo shaqada baaxadda leh ee ay qabtaan.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo qaabilay wafdi ka socda dalka Masar

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed,...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 04/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israel oo sheegtay in nin hubeysan ay ku dishay Daanta Galbeed

Militeriga Israel waxay sheegeen in ciidankooda ay dileen nin...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay safiirka Falastiin ee Soomaaliya

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo...

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay Beerta Ummadda ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles