Sunday, July 12, 2026

Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo Britain oo lagu tilmaamay Furaha Xasilloonida Soomaaliya

Kulan ka dhacay Baarlamaanka Boqortooyada Midowday (UK) ayaa lagu muujiyay in iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya, Turkiga iyo UK uu door muhiim ah ka qaadan karo xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Kulankan oo cinwaankiisu ahaa “Xoojinta Xasilloonida: Iswaafajinta UK, Turkiga iyo Soomaaliya ee Geeska Afrika” ayaa lagu qabtay Aqalka Baarlamaanka ee House of Commons, waxaana soo qabanqaabiyay Xarunta Xiriirka Anglo-Turkish (CATR) iyadoo kaashanaysa Horn Report iyo Geopol Report.

Safiirka Turkiga ee UK, Cismaan Koray Ertaş, ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uusan ku koobnayn gargaar bani’aadamnimo oo keliya, balse uu isu beddelay iskaashi ballaaran oo dhinacyada horumarinta, amniga iyo siyaasadda ah.

Safiirku wuxuu xusay in siyaasadda Turkiga ee Afrika ay tahay mid muddo dheer soo jirtay, islamarkaana ay taageeraan dowladda, ganacsatada, hay’adaha bulshada rayidka ah, iskuullada Maarif iyo hay’adaha horumarinta. Wuxuu intaas ku daray in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu ku dhisan yahay taariikh iyo walaaltinimo, isla markaana Turkigu mar walba garab taagnaa shacabka Soomaaliyeed xilliyada adag.

Dhankiisa, xildhibaan Afzal Khan ayaa sheegay in warbixinta CATR ay si sax ah u tilmaamayso waddada lagu gaari karo xasillooni waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay ku saleysan tahay saddex tiir oo kala ah xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah, dardargelinta maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha, iyo qoto-dheereynta iskaashiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, UK iyo Turkiga.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya loo baahan yahay in laga taageero horumar waara halkii ay si joogto ah ugu tiirsanaan lahayd gargaar dibadeed.

Agaasimaha Xarunta CATR, Ceren Kenar, oo soo bandhigtay warbixinta xarunta, ayaa sheegtay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu si weyn isu beddelay tan iyo booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku tagay Muqdisho sanadkii 2011 xilligii abaarta ba’an, isagoo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee aan Afrikaan ahayn ee booqda magaalada muddo ku dhow labaatan sano.

Waxay sheegtay in Soomaaliya aan loo arkin oo keliya dal wajahaya caqabado, balse ay tahay dal leh fursado waaweyn oo dhinacyada dhaqaalaha iyo maalgashiga ah, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, dhallinyaro firfircoon, khayraad beereed iyo goob istiraatiiji ah oo ku taalla marin-biyoodka ugu mashquulka badan dunida.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in guusha iskaashiga Turkiga iyo Soomaaliya ay salka ku hayso afar qodob oo kala ah: ballanqaad muddo dheer ah, joogitaan joogto ah oo gudaha Soomaaliya ah, kalsooni labada dhinac ka dhexeysa iyo aragti fog oo mustaqbalka ku wajahan.

WARARKII KALE

Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo...

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa...

Iiraan oo sheegtay in ay weerartay saldhigga cirka Maraykanka ee Qadar

Ku simaha Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan uu soo saaray...

Maraykanka iyo Iiraan oo sii Kordhiyay Weerarrada iyo xiisada oo kacaan

Weerarrada cirka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dabka ka kacay duurka Spain oo dilay 12 qof

Dab aad u weyn oo ka kacay koonfur-bari Spain...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles