Friday, March 14, 2025

Mareykanka oo ku eedeyay xasuuq kooxda reer Suudaan ee RSF

Mareykanka ayaa ogaaday in ciidamada fallaagada Suudaan iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen kumanaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Cunaqabataynta ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda.

Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay gacanta ku hayso.

Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxayna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka baxsan kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in dadka qaar loo dilay isirkooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

Dowladda Mareykanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

“Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas’uul ka yahay xumaanta iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa,” ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay toddobo shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta isla markaana RSF ay hub ka iibsadaan.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 14/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Suudaan oo iska diiday qorsho uu waday Mareykanka

Sida ay shaacisay wakaalad wararka AP Mareykanka iyo Israa’iil...

Itoobiya iyo Ruushka oo ku heshiiyay in ay ka wada shaqeeyaan dhinaca ciidamada badda

Wafdi uu hoggaaminayo taliye ku xigeenka ciidamada badda Ruushka...

Weerar lagu qaaday Askar ka tirsan Kenya

Kooxa hubeysan ayaa Xaduudka magaaloyinka Baladxaawo iyo Mandhera ku...

Qoor qoor oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor...

MW Xasan Sheekh oo soo xiray Tartanka Quraanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Tartanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles