Wasiir Cali-xoosh oo xilka u kala wareejiyay guddoomiyaha cusub ee hey’adda qaxootiga iyo guddoomiyihii hore

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta xilka u kala wareejiyey mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha iyo guddoomiyihii hore ee hey’adda marwo Safiya Xasan Maxamed.

Mudane Cali Xoosh oo hadal kooban ka jeediyey ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha Cusub mudnae Axmed Xuseen Cilmi dardargelinta shaqada hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha oo muhiimadda gaar ah u leh Qaranka, isaga oo sidoo kale ku ammaanay guddoomiyihii hore marwo Safiya howlihii ay soo qabatay.

Mudane Axmed Xuseen Cilmi Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa sheegay inuu daradar galin doono u qidmaynta Qaranka iyo sidii loo garab istaagi lahaa dadkeenna tabaalaysan gaar ahaan Barakacyaasha, Qaaxootiga iyo dadka dalka dib ugu soo laabtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles