Mareykanka oo ku eedeyay xasuuq kooxda reer Suudaan ee RSF

Mareykanka ayaa ogaaday in ciidamada fallaagada Suudaan iyo maleeshiyaadka xulafada ah ay xasuuq ka geysteen Suudaan, waxaana uu cunaqabateyn ku soo ragau hoggaamiyaha kooxdaas kadib colaad ay ku dhinteen kumanaan qof, malaayiin kalena ay ku barakaceen.

Cunaqabataynta ayaa looga gol leeyahay in laga hortago hoggaamiyaha RSF iyo qoyskiisa in ay u safraan Maraykanka iyadoo la xayirayo hantidooda.

Tallaabooyinkan waxay dharbaaxo ku yihiin dadaallada RSF ee ah in ay hagaajiyaan sawirkooda iyo sheegashada sharciyadda, oo ay ku jirto dhisidda dowladda rayid ah, iyadoo kooxda militarigau ay isku dayeyso inay ballaariso dhulka ay gacanta ku hayso.

Si kastaba ha ahaatee, RSF waxay dafirtay dambiyada ka dhanka ah rayidka waxayna sheeganeysaa in kuwa ku lugta leh dambiyada ay yihiin shaqsiyaad ka baxsan kooxda..Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in RSF iyo xulafadeeda ay sii wadeen weerarada ay ku hayaan dadka rayidka ah, isagoo intaa ku daray in dadka qaar loo dilay isirkooda, ayna beegsadaan haweenka iyo gabdhaha ka soo jeeda qowmiyadaha qaarkood oo loo geystay kufsi iyo noocyo kale oo galmo ah.

Dowladda Mareykanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogtay madax kale oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, balse wax cunaqabateyn ah kuma soo rogin Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti), iyadoo ay socdeen dadaallo lagu doonayay in labada dhinac ay ku wadahadlaan bilihii lasoo dhaafay.

“Maadaama uu yahay taliyaha guud ee RSF, Hemedti waxa uu mas’uul ka yahay xumaanta iyo falalka sharci darrada ah ee ciidamadiisa,” ayaa lagu yiri wa ka soo baxay waaxda maaliyadda ee Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale cunaqabateyn ku soo rogay toddobo shirkadood oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta isla markaana RSF ay hub ka iibsadaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles