Uganda oo Oggolaatay inay Ciidamo u Dirto Gaza kadib Codsi uga Yimid Trump

Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Marinka Gaza, kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida uu qoray wargeyska dowladda Uganda ee New Vision, oo soo xigtay ilo sare oo ka tirsan ciidamada, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si wanaagsan uga jawaabay codsiga Trump ee ahaa in Uganda ay qeyb ka noqoto Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka la qorsheynayo ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga, ilaalinta shacabka, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo taageeridda dib u dhiska Gaza kadib colaaddii muddada dheer socotay.

Hase yeeshee, Taliska Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) weli si rasmi ah uma shaacin xilliga la diri doono ciidamada ama tiradooda, iyadoo saraakiisha milatarigu sheegeen in tallaabada ugu dambeysa ay ku xirnaan doonto go’aanka Madaxweynaha Museveni.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles