Uganda oo Oggolaatay inay Ciidamo u Dirto Gaza kadib Codsi uga Yimid Trump

Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Marinka Gaza, kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida uu qoray wargeyska dowladda Uganda ee New Vision, oo soo xigtay ilo sare oo ka tirsan ciidamada, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si wanaagsan uga jawaabay codsiga Trump ee ahaa in Uganda ay qeyb ka noqoto Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka la qorsheynayo ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga, ilaalinta shacabka, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo taageeridda dib u dhiska Gaza kadib colaaddii muddada dheer socotay.

Hase yeeshee, Taliska Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) weli si rasmi ah uma shaacin xilliga la diri doono ciidamada ama tiradooda, iyadoo saraakiisha milatarigu sheegeen in tallaabada ugu dambeysa ay ku xirnaan doonto go’aanka Madaxweynaha Museveni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles