Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in aysan jirin cid ka baxsan shacabka Soomaaliyeed oo go’aamin karta nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
Saalax Axmed ayaa dhaliilay siyaasiyiin uu ku tilmaamay inay sheeganayaan inay go’aaminayaan doorashada dalka, isagoo yiri: “Kuwa waxaad arkeysaan waxay leeyihiin doorashada dalka ayaan go’aamineynaa, haddana waxba kuma dhex jiraan.”
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in doodda dhabta ah ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ay tahay nooca doorasho ee Soomaaliya ay qaadaneyso.
“Waa in la isweydiiyo nooca doorasho aan rabno; ma tii odayaasha gacanta ugu jirtay mise doorasho ay shacabka si toos ah ugu doortaan qofka ay rabaan? Taasi waa dooda u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda,” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa imanaya iyadoo ay weli taagan tahay doodda siyaasadeed ee ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.


