Ciidanka Xoogga oo gaaray Duleedka Degmada Jilib

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen deegaanka Dambase oo ku yaalla duleedka degmada Jilib, taas oo muddo dheer ahayd saldhig muhiim u ah Al-Shabaab.

Taliye Ku-xigeenka Guutada 162-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Cabdi Risaaq Maxamed Kusane, ayaa sheegay in markii ugu horreysay muddo 15 sano ah ay ciidamada dowladda gaareen duleedka magaalada Jilib.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay ka sifeeyeen deegaanka Dambase iyo nawaaxigiisa, iyadoo howlgalka uu weli socdo.

Ciidamada Danab oo tababar iyo taageero ka hela Mareykanka, kanaashanaya ciidamada ammaanka Jubbaland, ayaa sii wada baacsiga Al-Shabaab iyo burburinta fariisimahooda ku yaalla gobolka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wejiga cusub ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in howlgalka uu ka socon doono xeebaha ilaa hareeraha wabiyada, si loo adkeeyo amniga Muqdisho iyo gobollada ku dhow.

Dowladda ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay weli ku sugan yihiin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 18 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka cusub ee difaaca iran oo dignin u diray mareykanka

Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta...

RW Xamsa oo la kulmau Safiirka Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Xamsa oo xil u magacaabay ninkii la tartamay Guddoomiye Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Cabdiqaadir Cumar...

GALMUDUG:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa ku-xigeen oo lagu doortay Dhuusamareeb

Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha...

DFS iyo KGS oo diyaarinaya guluf ciidan oo ka dhan ah xoogagga Lafta-gareen

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles