Burcad-badeed Soomaali ah oo Afduubtay Markab Shidaal oo Marayay Xeebaha Yemen

Burcad-badeed Soomaali ah ayaa Jimcihii afduubtay markab shidaal oo marayay meel ka baxsan xeebaha bari ee Yemen, sida ay xaqiijiyeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen.

War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa lagu sheegay in markabka shidaalka ee ASANA lagu qabsaday meel qiyaastii 26 mayl-badeed u jirta xeebaha gobolka Hadramout, kaddib markii ay weerareen kooxo burcad-badeed Soomaali ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in xaruntooda howlgalka ay si degdeg ah ula xiriirtay hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka badda ee ka howlgala gobolka si loo xaqiijiyo xaaladda markabka, loona xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga maraakiibta maraysa Gacanka Cadmeed.

Sidoo kale, warbixinta ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan ilaalada xeebaha Yemen iyo doon ciidan loo diray goobta uu markabku ku sugnaa, halka diyaarado kormeer ah ay dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqiisa.

Macluumaadka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in markabka si tartiib ah loogu waday dhinaca koonfur-bari, isagoo u jihaysan xeebaha Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa hore u shaacisay in markab marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 65 mayl-badeed koonfur kaga beegan magaalada Al Mukalla ee Yemen, ay fuuleen dad aan fasax haysan xilli uu ku sii jeeday dhinaca bari.

Afduubkan ayaa noqonaya markabkii afraad ee muddo bilo gudahood ay gacanta ku dhigaan kooxaha burcad-badeedda Soomaalida. Sidoo kale, saddex markab oo kale ayaa weli lagu haystaa xeebaha gobollada Bari iyo Mudug ee Puntland, iyadoo kooxaha heysta ay dalbanayaan lacago madax-furasho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Soomaaliya oo guddoomisay shirkii ugu horreeyay ee Wasiirrada Ganacsiga dalalka ku midoobay hin dindisaha geeska Afrika

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, Mudane Danjire Gamal Maxamed...

DF oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku...

Jubbaland oo qaadacday Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Jubaland iyo Guddiga...

Deni iyo Axmed Madoobe oo lagu cadaadinayo tagista Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada...

Israa’iil oo ka digtay inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonto haddii UK ay cunaqabatayn soo rogto

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa uga digay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles